Home arrow News in Somali
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:409
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:315
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 05 2008
Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo cambaareeyay Qaraxii Muqdisho
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 05 August 2008

Nairobi,(insidesomalia.org)- Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa si kulul u cambaareeyay qarax dorraad lala beegsaday Haween howlo nadaafadeed ka waday Wadada Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo 15 ka mid ah ay geeriyoodeen, halka in ka badan 40 kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

 

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa wuxuu cambaareeyay dadkii ka dambeeyay qaraxaas, wuxuuna sheegay in uu si weyn uga walaacsan yahay xaaladda sii xumaaneysa ee dalka Soomaaliya.

Ahmedou Ould-Abdallah waxaa uu sheegay in uu si weyn uga xun yahay in la dilo haween aan waxba galabsan oo nolol maalmeedkooda ka raadsanayay in ay nadiifiyaan Waddooyinka Muqdisho, “Waxaan tacsi u dirayaan Dadkii ay haweenkaas ka geeriyoodeen, waxaana ugu baaqayaa Wadaniyiinta saxda ah ee Soomaaliyeed inay wada hadal iyo isla xiriir isugu gudbiyaan waxyaabaha ay kala tabanayaan, ayna u turaan dadka aan waxba galabsan”ayuu yiri Ahmedou Ould Abdallah.

 

Sidoo kalena waxaa cambaareyn taas la mid ah jeediyay u qeybsanaha Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub Mr. Javier Solana oo sheegay in ay si weyn uga xumaadeen dhibaatadii soo gaartay Haweenka Soomaaliyeed ee Nadaafadda ka shaqeynayay, wuxuuna sheegay in uu tacsi u dirayo qoysaskii ay ka geeriyoodeen haweenkii qaraxaas ku dhintay, isagoo kuwii ku dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad.

 

Mr. Javier Solana ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dhinacyada isku haya Soomaaliya inay si dhab ah uga qeybqaataan geeddi socodka nabadeed ee la doonayo in Soomaaliya xasiloonidii iyo kala dambeyntii loogu soo celiyo, wuxuuna si gaar ah uga codsaday dhinacyada isku haya Soomaaliya in ay u turaaan shacabka Soomaaliyeed ee mudada dheer dhibaatada ku soo jiray.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >